DFS oo sheegtay in saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar ka dhacay G/Sh/Dhexe.

6

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Ciidamada  xoogga dalka ku qaadeen degaanka Warta-Jilable, ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Warta-Jilable lagu dilay 70 saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona sheegay in tiro intaa ka badana ay ku dhaawaceen weerarka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in laba sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay kooxda ugu yeeraan Jabhadaha, waxaa uuna tilmaamay in weli ku raad joogaan dagaalameyaasha kale ee ka cararay goobta dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in weli Howlgalka uu ka socda degaankaasi gobolka Shabeelaha dhexe.