DF Soomaaliya: “Maalmaha soo socda waxaa la furayaa jidadka ay jareen biyaha Wabiga”

5

Wasiirka wasaarada warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka warbixiyay xaaladda dadkii uu saameyay fatahaada webiga shabelle ka geystay uu magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay dowladda soomaaliya wado qorsho dib looga furo wadooyinka ay xireen biyaha webiga shabeelle, islamarkaana dib u dejin loo sameyn doono dadka ay saameeyeen fatahaada, isagoona sheegay in magaalada Jowhar la gaarsiin doono gar gaar ah deg ah.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in gargaar la gaarsiiyo qoysaska farahabadan ee ku barakacay fatahaada.

Webiga shabelle ayaa fahataad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka shabeelle dhexe, iyadoona biyaha webiga ay xireen wadooyinka, islamarkaana ay istaagin isku socodka gaadiidka, halka sidoo kalena ay dad badan ka barakaceen fatahaada.