Galmudug oo mamnuucday in qaadka la geeyo deegaanadda maamulkaasi

4

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa markale amar ka soo saartay Qaadka yimaada degaanada Galmudug, iyadoo wasaaraddu ugu yeertay ganacsatada qaadka ka soo dajiya Garoomada diyaaradaha inay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska wasaaradda maaliyadda, cidii qaadan waydana ay Dowladdu tilaabo ka qaadayso.

Dhanka kale wasaaradda Maaliyadda ayaa mamnuucday qaadka dhulka ku yimaada degaanada Galmudug.

Warqaddaan ayaa waxaa ku Saxiixan wasiir ku Xigeenka Wasaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cusmaan.