Golaha wasiiradda Jubbaland oo la ansixiyay

1

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa maanta ansixiyay Golaha wasiirada cusubĀ  ee maamulkaasi.

Kulan ay xildhibaanada ku yeesheen xarrruuntooda dhexe ayaa waxaa soo xaadiray 51 xildhibaan. Natiijada codeynta ayaana u dhacday, 50 xildhibaan ayaa oggolaaday, hal xilbaan ayaa aamusay, ma jirin cid diiday.

Golahan wasiirada oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa waxaa 20-kii bishii hore ku dhowaaqay, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dhaariyo wasiirada cusub si ay ugu wareegaan shaqooyinka wasaaradaha oo ay wali sii wadaan wasiiradii hore.