Imtixaankii dugsiga sarre la soo gaba gabeeyay

14

Muddo shan maalin ka dib, waxaa maanta la soo gababeeyay imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare, kaasi oo ay qaadaysay wasaaradda waxbarashada ee xukumadda Soomaaliya.

Imtixaankan ayaa waxaa sannadkaan u fadhiistay arday gaareysa ilaa 36 kun, kuwaasi oo ku kala sugan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay dowladda sheegtay.

Sannadkan, ayaa noqonaya kii 7-aad oo ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u qaado imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sarre. Waxaana xusud mudan in ay imtixaanka ka qeyb-galin ardayda degaanada maamulka Puntland.

Toddobaadkii hore ayay aheyd markii 26 kun oo ardayda dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad loo soo geba-gabeeyay imtixaankii dowliga, kaasi oo uu qaaday maamulka gobolka Banaadir.