Cabdi Xaashi oo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada ee G. Waqooyi

1

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha Guddiyada doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay ilaa 6 xubnood, kuwaasi oo kamid noqonaya xubnaha maamuli doona doorashada xubnaha xildhibaannada ee gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa magacyada xubnahan u gudbiyay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si ay uga mid noqdaan guddiyada Hergelinta Doorashada ee heer federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.