Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Tababar U Soo Xiray Ciidamo Cusub

7

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland oo ka qalinjebisay Dugsiga tababarka Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa hambalyo u diray Ciidamada Maanta tababarka loo xiray, kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay la siinayay tababar ay ku qaadanayeen Xorgoble.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay in Ciidamada ay ka shaqeyn doonaan horumarka, xasiloonida iyo Amniga dalka, wuxuuna u mahadceliyay Saraakiishii Ciidan ee tababarka siiyay Ciidankan cusub ee Booliska Puntland.

“Dowladnimada saldhigeedu waa Ciidan, waana muhiin inaynu u noolaano siday u nool yihiin bulshada caalamka ku nool ee dhistay dowladd leh ciidan difaaca dalkooda iyo dadkooda waana muhiim inaynu sidaas u noolaano” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda oo ka dhacday Magaalada Qardho ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga dib u dhiska ciidamada Puntland, Taliyaha Ciidamadda Booliska, qeybo ka mid ah Gollaha Wasiirada ,Maamulka Gobolka kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka