Banaanbax looga soo horjeedo reer galbeedka oo ka socda Addis Ababa

5

Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka – oo ay mar xulafo dhow ahaayeen – uu sii xumaanayo.

Bannaanbaxan ayaa sidoo kale ka socda qeybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur.

Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.