Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Socdaal Ku Tegaya Pakistan Iyo Ujeedkiisa

5

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan qadka Taleefanka ah la yeeshay dhigiisa dalka Pakistaan Sadiq Sanjrani, iyagoona kala hadlay Arrimo dhowr.

Kulanka qadka ayaa inta uu socday waxaa ay labada Guddoomiye uga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoona isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan Sadiq Sanjrani ayaa casuumad rasmi ah oo ku tagayo Pakistaan u fidiyey dhigiisa dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi, si loo xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada Baalamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dhanka kale Cabdi Xaashi ayaa aqbalay casuumaada uga timid dhigiisa dalka Pakistan, waxaa uuna si diiran usoo dhaweeyey casuumad loo fidiyey, isagoo xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacyo badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistan Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan Sadiq Sanjrani.