Hoggaamiyaasha Galbeedka Afrika oo ka shiraya xaalada Mali

7

Kornel Assimi Goita, hogaamiyihii inqilaabka ee Mali iyo madaxweynaha cusub ee ku meelgaarka ah ee dhawaan loo magacaabay, ayaa looga yeeray kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha Galbeedka Afrika ee Ghana.

Shir madaxeedkaan oo aan caadiga ahayn ayaa lagu wadaa  maanta in 15-ka xubnood ee ka socda kuwa Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay ka wada hadlaan sidii wax looga qaban lahaa afgambigii labaad ee Mali muddo sagaal bilood gudahood ah ka dhacay.

Goita wuxuu ka tagay Bamako isagoo aaday caasimada Ghana ee Accra, sabtidii ka dib markii uu helay warqad ECOWAS ah oo lagu weydiisanayo “wadatashi”, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Xafiiska madaxweynaha Mali, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook, wuxuu ku sheegay in Goita uu ka qayb qaadan doono shir madaxeedka aan caadiga ahayn “oo uu la barbar dhigi doono dhiggiisa” sidoo kale wuxuu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha gobolka.

ECOWAS – oo ka shaqeyneyso sidii loo  dhexdhexaadin lahaa waxii ka dhacay bishii Agoosto ee la soo dhaafay markii Goita iyo kuwa kale ay ridayeen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Mali Ibrahim Boubacar Keita – waxaana ay  ka digayeen in  dib loogu celin karo cunaqabateyntii ka dib awooddii ugu dambeysay ee kornaylka.

Ururku wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo wax walbo oo sii kordhin karo xasillooni darrada ka jirta waqooyiga iyo bartamaha Mali waxaana ay sheegeen in tani ay sii  wiiqayso dagaalka gobolka ee lagula jiro kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIS.