RW Rooble oo sheegay in xukuumadiisu ka shaqeyn doonto doorasho hufan

11

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Jubbaland Axmed Maxamed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kala saxiixay heshiiska ku aadan doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo uu sheegay in ay muujiyeen tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee heshiiska qeybta ka ahaa, Saamileyda siyaasadda Beesha Caalamka oo iyadana xeritaanka shirka goob joog ka ahayd iyo shacabka Soomaaliyed.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, doorashada gobollada Waqooyi isagana uu ka shaqeyn doono tan xildhibaanada gobolada waqooyi isaga oo la kaashan doona guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada kala duwan ee ay ka dhaxeyso doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay qaybtooda ka qaataan sidii loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo mida amni ee ku geedaaman.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay doorka ay haweenku ku leeyihiin goleyaasha isaga oo tilmaamay in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso qoondada haweenka Soomaaliyeed.