Qodobbadii Ugu Muhiimsanaa Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ee Shirka Doorashada

6

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiritaanka shirkii lagu shaacinayay heshiiska laga gaaray khilafaka doorashada khudbad ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada isaga oo bogaadiyay dadaalladii raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble madaxda mamaul goballeedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Mr Farmaajo ayaa heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku saleysan heshiiskii 17- Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka, ku hambalyay guudahaan shacabka wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay dadka iyo dalka .

Wuxuu sheegay in guusha laga gaaray arrimaha doorashooyinka ay kor u qaadday rajada shacabka Soomaaliyeed oo si weyn uga dhur sugayay wadahadalladaan hadda soo dhamaaday.

Wuxuu si gaar ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u bogaadiyay raysal Rooble doorkii uu ka qaatay dedaalladii horseeday in heshiis laga garao is mari-waagii ka taagaa doorashada .

Dardaaranka uu u jeediyay madaxda maamul goballeedyada madaxweyne Farmaajo

Mr Farmaajo ayaa kula dardaarmay madaxda mamaul goballeedayad in ay kaalintooda ka qaataan hirgalinta waxyaabaha lagu heshiiyay si dalku doorasho u aado .

Wuxuu ku adkeeyay madaxda in hadda ay iyaga saarantahay mas’uuliyadda la xiriirta in wixii lagu heshiiyay loo fuliyo sidii loogu heshiiyay lana dhamaytiro.

“Aniga kaalintaydu iyo tan shacabka waa in aan idin kalameynooo aan idin duceyno oo aan ku tufno oo aan barakeyno waana idiin duceynay “ayuu uri madaxweyne Farmaajo.

Qoondada haweenka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inuu hoosta ka xariiqayo qoondada haweenka isaga oo intaa ku daray in ay haweenku mudanyihiin in boqolkiiba soddan looga kordhiyo oo xitaa boqolkiiba afartan la siiyo, maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada.