Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuno Ku Riday Askar Ka Tirsan DF.

8

Maxkamada ciidamada qalabka Sida qeybteeda degmada baladxaawo ayaa xukuno kala duwan ku riday sadex askari oo dilaal ka geestay magaalada baladxaawo ee gobolka Gedo.

Mid kamid ah eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu xukumay boqol neef oo geel ah kaas oo ah magtii ale ha u naxariistee Sadaam Diiriye Ibraahim maadama dilkaas loo geestay uu ahaa mid kam ah.

Labada eedeeysane ee kale ayey maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah sida uu ku dhawaaqayo Guddoomiyaha Maxkamada darajada kuwaad ee ciidamada qalabka Sida qeybta 27aad gaashaanle Maxamed Aamiin Cabdule Aadan

Inta badan Maxkaamada ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ay xukun ku ridaa askarta dowladda iyo dagaalameyaasha Al-shabab iyo Daacish, kuwaasi oo lagu eedeeyo in ay geystaan dilal.