Heshiis Laga Gaaray dagaal beeleed dhawaan ka dhacay G/Hiiraan

18

Beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay magaalada ee gobolka Hiiraan ayaa gaaray heshiis kaas oo ay dadaaladiisa qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kan gobolka.

Wasiiru dowlaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed “Gama’diid” ayaa waxa uu shaaciyay in heshiis hordhac ah laga gaaray dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

War Qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ayuu Gama’diid ku yidhi: “Maanta alle wuxuu noo suura geliyay inaan ku guuleysanno in heshiis horu-dhac ah kaga gaaro Dagaalladii ka dhacay magaalada Baladweyne.Waxaan u mahadnaqayaa qof walba oo kaalin ka geystay in halkaan wax soo gaaraan.”

Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay war murtiyeed faahfaahinaya qodobbada uu ka kooban yahay heshiiskaasi ay wada gaareen beelaha ku dagaalamay halkaas.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa colaado.