Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Golihiisa Wasiirrada sidoodii kusoo celiyay.

7

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan mar kale loo caleema saaray xilka, ayaa galinkii dmabe ee Isniintii ku dhawaaqay golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa, kuwaasoo uusan ka dhex muuqajin waji cusub.

Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ayaa ah kuwii horay xilalka u hayay oo sidooda loogu soo celiyay xafiisyada.

Sidoo kale, marka laga soo tago magacyada ma jirin xilal la kala wareejiyay ama isku shaandheyn lagu sameeyay.

Liiska wasiirrada ayaa ka kooban 26 xubnood.

Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa dib loogu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti

XIGASHO BBC SOMALI.