30 sanno ka dib Bulshada Baardheere oo ku heshiisey inay wax ka Qabtaan Horomarinta Adeegyada Bulshada ee Deegaanka.

19

Qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyey wax ka Qabashada Adeegyada Bulshada ee Bur bursan muddo ka badan ilaa 30 sanno,iyadoo Xooga la saarayo Uruurinta Dhaqaalo ay iska uruuriyaan Dadka Deegaanka si wax looga qabto dhibaatooyinka dhinaca bulsho iyo mida horomineed ee ka taagan deegaanka.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay ,ka dib markii shaley Kulan Balaaran oo ay soo abaabuleen Guddi Horomarinta degmada Baardheere,islamarkaana lagu taageerayey Qorshaha isku tashiga uu ka dhacay degmada ,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen dad ka badan ilaa Boqol ruux oo ay ku jiraan Maamulka Degmada,Odoyaasha,Culama,udiinka,Aqoonyahanada,Ganacsatada ,Howl wadeeno ka kala socdey Hay’adaha Samafalka iyo Waxgaradka deegaanka.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta degmada Baardheere oo ka Hadley Kulanka ayaa sheegay Ujeedada Kulanka in ay la xariirto sidii wax looga qaban lahaa Baahiyaha horomarineed ee ka jira degmada ,sida Buunadooyinka,Wadooyinka Bur bursan ,Biyo xireenada,Suuqyada iyo goobaha danta guud oo bur bursan si loo soo celiyo Bilicsimada deegaanka.

” Xiliyada roobabka ay da’aan ayaa waxaa kala go.a xaafadaha Qaar,iyadoona ay ku barakacaan fatahaadaha Webbiga iyo daadadka dad lagu qiyaaso ilaa shan kun oo Qoys,muddo badan waxaan isku dayeynay in hay’adaha samafalka ay naga caawiyaan Dhibaatooyinka ka jira deegaanka,balse ma jirto wax taageero ah oo laga helay xilligana waxaa la joogaa xilli dadka degan Baardheere oo lagu qiyaaso ilaa Boqol kun oo ruux ay isugu tashan lahaayeen oo dhaqaalo ay isga uruurin lahaayeen sidaasi waxaa yiri Nabadoon Faarax Hire Guhaad Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta degmada Baardheere.


Sidoo kale Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga ,Maamulka degmada iyo Waxgaradka deegaanka oo ka Hadley kulanka ayaa waxay ku dheeraadeen faa,idada iyo Ahmiyada ay leedahay in ay dadka deegaanka ay isku tashtaan,islamarkaana ay dhistaan Goobaha bur bursan,waxayna balan qaadeen in taageero dhaqaale ay ku bixin doonaan.

Gebabadii kulanka oo uu soo xirey Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go,an tahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen horomarinta degmada,islamarkaana ay ku bixinayaan dhaqaalo ay kaga qeyb qaataan howlahaasi.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo