Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta U Fadhiisatay Dhageysiga Rag Dilal Ka Geeystay Baladxaawo.

0

Maxkamadda Darajada, Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27aad  Ayaa Bilowday, Dhagaysiga Dacwada Eedaysanayaasha, Cabdiqadir, Farax Dhaqane ( Nuune ) iyo Maxamuud Xuseen Faarax ( Jacaloow ) oo Ka Tirsan Ciidamada, xoogga ee Degmada Baladxaawo Kuwaasi oo Bilo Ka Hor Kala, Dilay, Sadaam Diiriye ibrahin, Mowliid Baashi Cumar Oo Ahaa Dhaliyarada Baladxaawo.

Dhagaysiga Dacwada Ayaa Waxaa Goobjoog Ahaa, Taliyaasha, Ciidamada Heer Dowlad Goboleed, Kuwa Gobolka Gedo, Sida Booliska Nabad Sugida, Sarakiil Kale,  Maamulka Gobolka Gedo, Qaar Ka Mid Ah, Ururada Bulshada, Ehelada Labada Marxuum,

Waxaana Goobta La Keenay, Cadaymo, isugu Jiray, Qaraal, Sawiro, iyo Qoryihii Lagu Dilay Labada Marxuum, Dood Dheer Ka Dib, Ayey Gabagabadii  Sarakiisha Maxkamada Sheegeen in Ay Sii Socon Doonto  Maalmaha Soo Socdo, Loona Baahan Yahay in La Soo Dhamaystiro Cadaymo Kale Ka Dhiman Gal Dacwadeedka.

Xeer ilaalinta ayaa ka codsatay Garsoorka in lagu xukumo labada Eedeysane Ciqaab u dhiganto Qodobada Eedda ku xusan.

Maxamed Xuseen Cumar oo ah Qareenka udoodayay Eedeysanayaasha ayaa weydistay Maxkamadda in mag dhow laga qaado labada Eedeysane oo uu sheegay in aysan jirin Eedo hore oo loo haysto.

Gaashanle Maxamed Amiin Guddoonka Fadhiga  ayaa soo xiray Garmaqalka Eedda kadhanka ah Cabduqaadir Faarax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Aadan oo ka kala tirsan Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka Xoogga dalka.