Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo rajo wanaagsan ka muujisay inuu ku soo dhammaado shirka ka socda Muqdisho

4

Bayaan ay maanta si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay uga hadleen Shirka magaalada Muqdisho ugu socdo R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Hay”adda ayaa sheegtay in ay si weyn u taageersan tahay sida wanaagsan uu haatan u socdo shirka, iyagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka uu ka soo baxo natiijo lagu wada qanacsan yahay, islamarkaana dalka uu aado doorasho.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu madaxda ugu baaqay in shirka ay guul ka gaaraan, islamarkaana ay ilaaliyaan ammaanada loo dhiibay.

Bayaanka ayaa u qornaa sidan:-

1: Waxay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.