Maxay Ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Rooble Iyo Cabdi Xaashi.

7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maalmiihii lasoo dhaafay kulamo ka waday magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlaayey sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee BFS  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulankaasi sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad kaas oo inta badan diirada lagu saaray  arrimaha doorashada oo xiligan shir laga leeyahay shirkaas oo ay ka qeyb galeen madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka banaadir.

Kulankan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee BFS  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada wareegaysay warqad taas oo lagu sheegay in wadahadalada siyaasiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi lagu wareejiyey gudoonka Aqalka sare inkastoo markii danbe uu been abuur warqadaasi ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed .c