Beelo Ku dagaalamay Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Heshiis Horu-dhac ah.

12

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku guuleystay iney joojoyaan dagaal beeleed ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano hoos taga degamada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 40aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi (Maxamed Saneey) ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney kala dhex galaan beelaha ay diritu dhex martay dhawaan kaas oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degamada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha iyo odayaasha dhaqanka labada beel ee dagaalamay ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in Heshiis hour-dhac ah ay wada gaaraan beelihii dirirta ay u dhaxmartay.

Qeybo kamid ah gobolka Hiiraan waxaa kusoo noqnoqday dagaal beeleedyo kuwaas oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.