Amaro culus Oo La Duldhigay Mootooyinka Ka howlgala G/Mudug.

10

Kulan looga hadlaayey amniga gobolka Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, shirkan oo looga hadlay la dagaalanka AL-shabaab iyo sugida amniga ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiisha dhanka amaanka ee gobolkaas.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland oo ay wehliyaan Saraakiisha laamaha amniga heer federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Shirkan looga hadlaayey arrimaha amniga gobolka Mudug ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur kaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen maamulada Puntland iyo,Gal-Mudug Gudoomiye Kuxigenyka 2aad ,Gudoomiyaha Gobalka Mudug Gal-Mudug ,Saraakiil iyo taliyayaal boolis oo labada dhinac ka socda.

Kulanka kadib ayaa waxaa kasoo baxey Go,aamo iyadoona uu Gudoomiya Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo Maanta Shir Gudoomiyay Shirka Amniga Gobalka Mudug uu sheegay in mootada loo yaqaan Bajaajta iney tahay mid ay ku shaqeystaan dad Soomaaliyeed balse dhowr mar lagala kulmay dhibaato islamarkaana laamaha amaanka ayuu amray iney qabtaan bajajtii aan lahayn taariko ayna sii hayaan ilaa looga yeelayo taariko.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii ka danbeeye 8:00 habeenimo bajajtii lagu arko iyadoo magaalada dhex maraysa la qaban doono, dadka shacabka ahna laga rabo iney qaataan amarka kaas oo uu tilmaamay iney tahay in amniga laga wada shaqeeyo.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa intaas ku daray in qabiilkii la heshiiya dagaalamayaasha Al-shabaab ay ula mid yihiin Shabaab sida uu hadalka u dhigay.