Shirka Wadatashiga qaran oo la soo gabagabeeyey wajigisii 3aad.

1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii 3aad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan, Iyadoo uu sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland  Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland,  Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.