Maxaa Kasoo Baxay Shirkii U Dhexeeyey Madaxda DF iyo D/Goboleedyada ?

2

Kadib markii uu maanta si rasmi ah u furmay shirkii looga hadlaayey arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee u dhaxeeyey madaxda DF iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa maanta la soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda shanta maamul-goboleed iyo guddoomiyaha gobolka banaadir, shirkan ayaana waxa inta badan looga hadlaayey arrimaha ku saabsan doorashada ee muranku ka taagnaa bilihii lasoo dhaafay iyadoona shirku  ku soo dhamaaday maanta maalintii koowaad jawi degan.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimow isaga oo sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday maalintiisii koowaad jawi is faham islamarkaana la isugu soo laaban doono maalinta berri ah.

Afhayeenka XFS ayaa sidoo kale sheegay in inta uu socdo shirka wadatashiga qaran diirada la saarayo arrimaha muhiimka u ah doorashooyinka dalka islamarkaana ay kasoo bixi doonaan maalmaha soo socda qodobo wax ku ool ah.

Dhowr mar oo hore sidan oo kale shirar looga hadlaayey arrimaha doorashooyinka ayaa fashil kusoo dhamaaday kuwaas oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.