Lafta gareen iyo Shiikh Shariif oo kulmay.

11

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hoyga uu ka degenyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii Hore Dalka  Shekh Shariif Shekh Axmed.

Kulanka sido kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyo iyo Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada Dowlad goboleedka K/galbeed.

Kulankan ay yeesheen Madaxweyne Lafta-Gareen iyo Shiikh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili la filaayo in maalinta berri ah uu Muqdisho ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada dalka.

Magalada Muqdisho ayaa hada waxaa ku sugan madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Puntland iyo K/Galbeed iyadoo la sugaayo Muqdisho inuu isna soo gaaro madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.