Dagaal oo ka qarxay Degmada Wanla-weyn

11

Dagaal xoogan ayaa maanta waxaa uu ka socdaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo Guddoomiyaha degmada Wanla-weyn Maxamed Siidow iyo Guddoomiyaha arimaha bulshada degmadaasi Axmed kheyr.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii is qab qabsi maamul uu soo kala dhex galay labada masuul.

Xaalada degmada Wanla-weyn ayaa kacsan, waxaana haatan la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellada Hoose