Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland Oo Soo saaray digniino Ku aadan arrimaha Doorashada.

5

31bishan May iyadoo deegaanada maamulka Soomaaliland looga dareerayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka Soomaaliland ayaa waxaa digniin loo diray madaxda xisbiyada ka dhisan Soomaaliland iyadoona la filaayo in maalinta beri ah ay deegaanada maamulkaas ka bilaaban doonto ololaha doorashooyinka.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in si loo galo doorasho xur iyo xalaal ah looga digayo Xisbiyada iyo musharixiinta dhamaan wixii khalqal amni keeni kara ama ka hor-imaanaya Xeerka Guud ee maamulka Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Soomaaliland waxaa lagu yiri

” Sida aynu la wada socono waxaa kaabiga innagu haya oo loo dareerayaa Ololihii doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, Si habsami u socodka ololaha doorashooyinku si fiican innoogu hirgalo ,si loo galo Doorasho xor iyo xalaal ah, Waxa dhamaan xisbiyada qaranka iyo murashaxiinta tartamayaasha looga digayaa in ay ka digtoonaadaan dhamaan wixii khal khal ku keeni kara ama ka horimanaya “Xeerka Guud 91/2020 iyo Xeerka hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaannada Soomaaliland ayaa lagu yiri qoraalka”.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay xafiiska Gudiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland  ayaa ku amray musharixiinta sameystay boorarka Xisbiyada ka hor ololaha doorashada ee ku beegan 23-05-2021 ciddii lagu arkana  astaamo isku samaysan wixii ka danbeeya 23-05-2021 in laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan sida lagu sheegay qoraalka guddiga doorashooyinka maamulkaas.