CC Shakuur Oo Ka Hadlay Shirka Maanta Ka Furmay Muqdisho.

1

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa waxa uu ka hadlay shirkii ay maanta wajigiisii koowaad magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka banaadir kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashada.

Siyaasigan oo bartiisa Facebookga soo dhigay  qoraal kooban ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka ka socda xerada xalane kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Puntland, K/galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha gobolka banaadir islamarkaana waxa uu tilmaamay in laga gudbi doono marxalada xiligan kala guurka ah.

Cabdiraxmaan Cabdi shakuur warsame ayaa qoraalkiisa ku yiri

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashi qaran ee maanta horudhiciisa furmay. Waxaan rajaynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xariira fulinta heshiiska doorasho ee 17 Sept. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala dhantaalan oo degdeg loogu baahan yahay doorasho, si loo helo hoggaan iyo dawlad sharciyad leh”

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah dib loo amba qaado wajigiisa labaad waxaana la filaaya iney kasoo baxaan qodobo wax ku ool xili, shacabka Soomaliyeed iyo dadka ka hadla siyaasadda Soomaaliya ayaana wada dhowrayaan waxa kasoo bixi doona shirka wadatashiga qaran.