Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay shirka maanta ka furmaya Muqdisho

2

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa qoraal uu soo saaray faahfaahin kaga bixiyay, shirka arrimaha doorashooyinka ee loo ballansanyahay in uu ka furmo Muqdisho.

Af-hayeen Macallimow ayaa sheegay, in dhammaan madaxda ka qayb-gelaysa shirkan ay xaadir ku yihiin Muqdisho, marka laga reebo madaxweynaha Hirhshabeelle oo isla maanta imaanaya.

Wuxu sheegay in shirkan uu saaka si rasmiya u furmi doono, islamarkaana uu shir-guddoomin doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in shirka uu ka dhacayo xarunta Afisyooni, oo ay ka qabsoomeen shirarkii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka dalka.