R/wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo caawa kulan ku yeeshay Muqdisho.

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Xalay ayaa R/wasaare Rooble waxaa uu kulan la waatay madaxda maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Koofur galbeed, iyo Jubbaland

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka maqan madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaasi la filayo in gelinka hore ee beri inuu soo gaaro magaalada Muqdisho

Beri ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.