Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta ?

6

Fadhigii 75aad ee golaha wasiirrada  Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi uuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxaa maanta looga hadlay arimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee loo balansan yahay 31-ka Bishan May ee sanadkan 2021ka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka la filaayo iney ka dhacaan deegaanada Soomaaliland iyo waajibaadka ka saaran wasiirrada.

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyey baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada mamnuuc ka yihiin arimaha doorashooyinka ayna taas ka reeban tahay,Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xubnaha golaha wasiirrada faray inay gutaan waajibkooda xisbi iyo midka qaran ee ka saaran hirgelinta iyo dardargelinta doorashada, kuna laabtaan gobollada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ugu danbeyntii waxa uu shacabka ku dhaqan deegaanada Soomaaliland ugu baaqay iney isku diyaariyaan doorashooyinka la filaayo iney ka dhacaan Soomaaliland sidoo kalena ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si doorashadu ugu dhacdo si nabdoon.