Madaxweyne Lafta Gareen oo soo gaaray Muqdisho

5

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wafdiga madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha aadan Cade ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Lafta gareen ayaa waxaa uu ka qeyb geli doono shirka looga hadlayo muranka doorashooyinka, kaasi oo horey uu u iclaamiyay R/wasaare Rooble.

Sidoo kale maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamul goboleedyada kale ee ka maqan magaalada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta uu furmayo shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya