Shir Laga yeeshay Amniga Gobolka Bari Oo Ka Dhacay Boosaaso.

16

kulan looga hadlaayey amniga guud ee gobolka bari ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso kaas oo ay ka soo qeyb galeen taliyaasha dhanka amaanka ee gobolka bari gaar ahaan Boosaaso.

kulankan oo ahaa mid Todobaadle ah ayaa waxaa shir Guddoomiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka iyo kuwa surdoonka ee C.I.Da qeybahooda kala duwan ee Gobalkaasi.

Shirkaas oo inta badan looga hadlay amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amaanka ayaa waxaa ciidamada lagu bogaadiyey sugida amniga gaar ahaan intii lagu guda jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay sameeyeen howlgalo dhowr ah.

Shirka kadib ayaana saraakiisha iyo ciidamada amniga la faray in la sii labo jibaaro amaanka guud ee gobolka bari lana’ xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada qeybeheeda kala duwan.

Ciidamada booliska ayaa labo maalin ka hor waxa ay gacanta kusoo dhigeen Gawaari Qamri badan gelineysay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo raggii watay kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada booliska gobolka bari.