Muuse Biixi oo eedeyn u jeediyay DFS

21

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumadiisa ay mudnaanta kowaad siin doonto sidii ay Soomaaliland aqoonsi u heli lahayd.

Mr Biixi oo xalay ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad- guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayaa sheegay in muddada ay doonto ha ku qaadatee ay ku dadaali doona hellidda ictiraaf.

„Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri madaxwayne Biixi

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale xusay in dowladiisa ay ka go’an tahay qabashada dorashooyiinka dabayaaqada bishan aanu ku gua jirno.

“Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu yiri madaxwayne Biixi .

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku baaqay in la laga dheeraad wax kasta oo dadka kala geyn kara.

„Inaga oo aan raali kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyiinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, hormar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan,” ayuu intaa ku daray.

Mr Biixi ayaa dhanka kale ku eedeeyay dowladda fedaraalka ee Soomaaliya in ay caqabad ku tahay sida uu sheegay aqoonsi ay Soomaaliland hesho.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu yiri Mr Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa farta ku fiiqay in Somaaliland ay doonayso in caalamka oo dhan nabad ay kula noolaato.

“Somaliland haddii aanu nahay waxaanu leenahay Soomaaliya iska dhaaf ee sanku-neeflaha aduunka oo dhan baanu rabnaa inaanu dhexdiisa aanu nabad ku wada noolaano,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwayne Biixi ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Isra’iil.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in uu ka xun yahay waxa ku dhacaya shacabka Falastiiniyiinta.

“Somaaliland Falastiin waxa ku dhacaya aad iyo aad ayay uga xun tahay tabartayadu maanta waa duco, hiil qalbiga ah, hiil duco , hiil dadnimo, ku islaanimo iyo ku dadnimo inta waan la garab taaganahay,” ayuu yiri.

Waxaa uu intaa ku daray in dalalka leh codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobey ay masuuliyadda ugu wayn ka saaran tahay sidii colaadda loo joojin lahaa.

„Waxaanu baaq dheer ugu sheegaynaa, anagu oran meyno caalamka ee shanta dowladood ee caalamka ka taliya ee leh codka diidmada qayaxan kuwa ugu tunka wayn ee taageeraya dulmiga ku dhacaya shacabka iyo agoonta iyo maatada Falastiin, war waxaanu leenahay aduunku sidaasi ahaan maayee ee ha la badbaadiyo maatada iyo falastiiniyiinta loo xoog sheeganayo,” ayuu yiri Mr Biixi.