Xamse oo mucaaradka ugu baaqay inay la fahmaan marxaladda cusub ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in khilaafka kala dhexeeya mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada uusan ahayn mid ku saleysan colaad, balse uu ka dhashay kala aragti duwanaansho ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in dowladda aysan wax dhibaato ah u qabin siyaasiyiinta mucaaradka, balse ay iyagu ku adagtahay inay fahmaan aragtida dowladda ee ku aaddan marxaladda uu dalku marayo.

“Walaalaheen Soomaaliyeed, hadday yihiin kuwa dowlad-goboleedyada jooga ama mucaaradka, wax colaad ah nagama dhexeyso, mushkilad gaar ahna nama kala haysato. Waxa keliya ee jira waa in waxa aan annaga iyo shacabka fahamnay ay walaalaheen ku adag tahay inay nala fahmaan halka uu dalku maanta marayo,”ayuu raysal wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa muujiyay in dowladda aysan doonayn in arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku xirnaadaan dhex-dhexaadin shisheeye, isagoo ku adkeystay in Soomaalidu ay awood u leedahay inay iyadu ka tashato mustaqbalka dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dib u heshay kalsoonideedii iyo awooddii ay iyadu go’aannadeeda ku gaari lahayd, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, talana ka yeeshaan mustaqbalka dalka.

Waxaan rabaa in Soomaalidu fahamto halka aan joogno iyo marxaladda aan ka soo gudubnay. Waa inaan isu nimaadno, tashanno, dalkeenna hore u dhaqaajinno, una horseedno mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri Xamse  Cabdii Barre.

Hadalka raysal wasaraha ayaa yimid xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Golaha Samatabixinta Qaranka gaarsiiyay farriin uu ku muujinayo inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la yeesho mucaaradka, si gogosha siyaasadeed ee taalla loogu beddelo fursad lagu gaaro heshiis qaran.