Qaban Qaabada shirka doorashooyinka oo ka socda Muqdisho iyo Wafuud ku soo wajahan

15

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafuud ka socda madaxda dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Wafuudan ayaa waxaa ka qeyb gali doonaan shir uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo lagu balamay inuu Muqdisho ka qabsoomo maalinta beri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 20 May.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii arrintaasi xal waara looga gaari lahaa.

Qaban qaabada shirka uu iclaamiyay R/wasaare Rooble  ayaa waxaa uu haatan ka socdaa magaalada Mqudisho.

Shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee sugan magaalada Muqdisho.

R/Wasaare Rooble ayaa wakiilada uu la kulmay waxaa uu  kala hadlay arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana wakiilada beesha caalamka warbixin ka siiyay halka ay mareyso diyaar garowga shirka arimaha doorashada ee lagu wado in 20-ka bishan ka furmo teendhada Afisiyooni iyo kaalinta beesha caalamka ka geesan karto.

Beri ayaa la filayaa  in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shir isku arki doonaan madaxda dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyadoona lagu wado inuu shirka ka soo baxo natiijooyin horseedi kara in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay.