Israaiil oo diiday inay joojiso duulaanka ay ku qaaday marinka Qasa

12

Warar laga helay wasaaradda gaashaandhiga Israel ayaa lagu sheegay inay jirin wax xabad joojin ah oo ay la galeen ururka hubeysan ee Xamaas ee ka dagaalamaya marinka Qasa ee dhulka Falastiin.

Qoraal lagu qoray wakaaladaha wararka qaarkood ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay shaacisay inay sii wadayso hawlgalka Qasa ee Xamaas ka dhanka ah waxaana wasaaraddu meesha ka saartay inuu jiro wax heshiis xabad joojin ah oo ay ogtahay.

Horey R/wasaaraha Yahuuda Benyamin Natanyahu ayaa sheegay inay joojin doonin weerarka ay ku qaadeen marinka Qasa.

Duqeynta Qasa ay diyaaradaha Israel ka wadaan oo maalintii 10,aad gashay ayaa maanta waxaa Yahuudu sheegeen inay ku dileen hogaamiye ka tirsanaa ciidamada Xamaas kaasi oo ay magaciisa ku sheegtay Max’ed Daaif.

Dhanka kale gantaalo ay Xamaasiyiintu ku rideen koofurta Israel ayaa ku dhacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka Yahuuda kuwaasoo khasaaro geystay.