Dowladda oo wefdi dirtay beelihii ku dagaalamay Koofurta Beledwayne

1

Wararka ka imaanaya dulleedka koofureed ee magaalada Beledwayne ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen wefdi ka socda dowladda federaalka iyo Hirshabeelle, si ay u xalliyaan collaad ka dhex taagan laba beel oo maalmahan halkaasi ku dagaalamayay.

Wafdi u hoggaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isaaq oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano Wasiiro iyo Santaro ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dagaalladii u dambeeyay ee dhexmaray malleeshiyaadka labadan beel ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 10 ruux, halka tiro intaasi ka badan ay dhaacmeen.

Maamulka Hirshabeelle iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaal lagu kala qaadayo labada maleeshiyo ee isku horfadhiya deegaanka Ceel-gaal.