Al-Shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan DF

7

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba-gal ah oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deggan deegaanka Warmaxan ayaa sheegay in ay maqleen hubka labada dhinac ay is weedaarsadeen, iyadoo la soo werinayo in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa baraha ay wax ku qoraan ku baahiyay in weerarkaasi ay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, halka ay 2 ba kalena dhaawacmeen.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, saraakiisha ciidamada xoogga ayaan weli ka hadlin weerarkaasi.