Puntland oo amar ku bixisay in la baaro gaari kasto oo ay leeyihiin ciidanka

3

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan), ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo gaari kasta oo ciidan leeyahay, haddii uu soo maro bar-kantarool.

Askari kasta oo bar-kantarool jooga, waa in uu baaritaanka ku bilaabo gaari kasta oo ciidan leeyahay, haddii uu weynyahay iyo haddii uu yaryahay” ayuu yiri Taliyaha.

Talaabadan ayaa ka dambeeyay, kadib markii saaka gaari ciidamada Puntland leeyihiin lagu qabtay khamri fara badan, oo laga soo buuxiyay kartoonada Saliidda lagu iibiyo.

Khamrigan iyo gaarigii siday waxa lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso, kadib markii ay ka carareen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo watay khamrigaas