RW Rooble oo guddi u saaray baaritaanka dilkii qarsoodi ah oo loo geystay askari ka tirsanaa DF

3

Gudi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil qarsoodi ah oo si fool xun loogu gaystay Muqdisho askari ka tirsanaa ciidamada Qaranka ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Waxaa kamid ah gudigan Qaran ee kiiskan loo xilsaaray wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyn Mas’uuliyiinta Qaranka ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum askari Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe oo lagu naanaysi Jiray Deeqoow, iyagoona ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Wahadal dheer, is dhageysi iyo is qancin kadib waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Cabdulaahi Khaliif Cali oo kamid ah Waxgaradka Marxuumka iyo Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii wiilkoodii sida arxanka daran u dilay isaga oo xiran Tuutihii uu Qarankiisa ugu adeegayey.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Alcadaalada ayaa u tacsiyeeyay eheladda waxaa ayna ka marag kaceen in arintan ay ceeb ku tahay Qaranimadda marka laga yimaado tiiraanyada qoyska sidaas daraadeedna ay waajib qaran tahay in la helo kuwii ka danbeeyay.

Ugu danbeyn Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in aysan ka gaabin doonin baaritaankan oo uu sida uu hadalka u dhigay si aad ah ugu adkeeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya