DFS oo ka tacsiyeysay geerida ku timid weriye Axmed Xuseen Caddow

9

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa ka tacsiyeey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Wariye Axmed Xuseen Caddow.

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey mid ka mid ah isbitaalada magaalada muqdisho ayadoo oo ay xaaladiisa caafimaad kasii dareysay.

Alle ha u naxariistee Wariye Axmed Xuseen Caddow waxa uu ka howl galayey Warbaahinta dalsan ee Magaalada Muqdisho , marxuumka ayaa sidoo kale horay uga soo howl galay warbaahino kale oo kala duwan oo ay ka mid tahay Idaacadda kulmiye

Ugu danbeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa Tacsi u diray Ehelka marxuumka iyo dhamaan bahda Saaxafada asaga oo marxuumka alle uga baryey in uu naxariistii jano ka waraabiyo.