RW Rooble oo Beesha caalamka kala hadlay diyaar garowga shirka 20-ka May

11

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay wakiillada beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay diyaar garowga shirka loo ballansanyahay in uu 20 bishaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho iyo taageerada beesha caalamka ee geedi socodka doorashada dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wakiilada beesha caalamka la wadaagay dadaalladii ugu dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka gaar ahaan qaban qaabada shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, shanta maamul gobolleed iyo gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban qabada shirka wada-tashiga ee looga hadlayo xallinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Guddi ay ka kala socdaan dhinacyada shan maamul goboleed, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay waday diyaarinta hanaanka qabashada shirka iyo doorashada dalka.