Taliska booliska Puntland ee G/Nugaal oo war kasoo saaray dhalinyaro ku dhimatay Ceel-biyood

17

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa sheegay in ceelka af dhurwaayaale ee duleedka Garoowe ay ku geeriyoodeen wiilal dhallinyaro ah oo halkaas u dabaal tegay .

Dhallinyaradaan oo saxiibo ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdulqaadir khaliif.

Gaashaanle Cismaan ayaa sheegay in hadda ka hor ka digeen in khatar ka imaan karto ceelashaas oo ah kuwa dadka laqa .

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Cismaan Maxamuud Buraale ayaa sheegay in booliilska Puntland diyaar u yahay u gar gaarida iyo badbaadinta shacabka Puntland, wuxuuna mar labaad waalidka ugu baaqay in ay carruurtooda ka warqabaan.