HirShabeelle oo shaacisay in fatahaada wabiga Shabeelle ay go’doomisay Jowhar

4

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay fatahaad xoog leh ka geystay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, waxaana la soo werinayaa in magaaladu gashay xaalad go’doon ah.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon gashay waxaana gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, iyadoo haatan kaliya la adeegsanayo doonyo, si gudaha loogu galo magaalada.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka maamulka HirShabelle Cabdimahad Cabdullahi oo u waramay VOA ayaa in Jowhar gashay xaalad adag, isagoo xusay in dhammaan uu istaagay isku socodka gaadiidkii ka howlgelayey magaaladaas.

“Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay,” ayuu yiri wasiirka gargaarka HirShabeelle.