Go’aan Laga Soo Saaray Shir Looga Hadlay Amniga Magaalada Muqdisho

18

Kulan looga hadlayay dardar-gilinta Amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar, kaasi oo ay Shir guddoominayeen Guddoonka Arrimaha Amniga ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii la isugu xiri lahaa Hay’adaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka, waxaana lagu go’aamiyay in la soo celiyo kormeerkii joogtada ahaa ee ay wada sameyn jireen Hay’adaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka kaasoo lagu xaqiijinayo Amniga Caasimada.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay u diyaar garoowga Amniga Doorashooyinka fooda nagu soo haya.

Kulanka oo ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Amniga Caasimadda oo ay wehliyaan Agaasimiyaasha Waaxyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Lataliyaal iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.