Musharaxiinta Oo Shaki Geliyay Dhex-Dhexaadnimada Ra’iisul Wasaare Rooble

12

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay dhex-dhexaadnimada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee Arrimaha doorashooyinka dalka ee uu khilaafka ka taagan yahay.

Musharaxiinta ayaa sheegay inay shakisan yihiin qaabka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku wajahayo arrimaha doorashada dalka, iyagoona sheegay inay ka cabsi qabaan in Rooble uu u nuglaado cadaadisyo kaga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo Qoraal ay soo saareen u diray Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, isla markaana joojiyo safarada uu ku aadayo dibadda oo ay ku tilmaameen waqti lumis.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii loo bilaabi lahaa hanaanka doorasho loo dhan yahay, isla markaana cadaalad ku saleysan.

Khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa ayaan welin la xalin, waxaana socda qorshe lagu xaliyo khilaafka jira, iyadoo dhawaan Muqdisho lagu qaban doono Shir ay isugu imaanayan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta oo ku qoran Luuqada Ingiriiska.