Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo dhaariyey Madaxweynaha Jabuuti

1

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo dhaariyey sidoo kalena loo caleemo saaray xilka madaxtinimada dalka Jabuuti.

Madaxweyne ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay ee Abriil, doorashadaas oo ay qaadaceen mucaaradka reer Jabuuti, waxuuna codad aad u badan uga guuleystay ganacsade lagu magacaabo Zekeriye Ismaaciil oo la tartamay.

Munaasabadda dhaarinta madaxweynaha waxaa maanta ka qeyb-galay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, waxaana la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% tirada guud ee doorashadaas.

Madaxweyne Geelle oo 73-jir ah ayaa dalka Jabuuti soo xukumayay tan iyo sanadkii 1999-kii.