Ergay ka socda Mareykanka oo gaaray Israa’iil

11

Ergey gaar ah oo ka socday Mareykanka ayaa gaaray magaalada Talabiib si uu halkaa ugu bilaabo wadahadallo ku aadan joojinta dagaalka sii socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Wakiilkan ayaa sida la filaayo waxuu si gaargar ah ula kulmi doonaa dhinacyada Israa’iil, Falastiin iyo saraakiisha Qaramada Midoobay iyadoo laga rajo qabo in dhawaan la gaaro heshiis xabad joojin ah.

Militeriga Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka fuliyay marinka Qasa halka dagaalyahanada Falastiniyiinta ay gantaallo ku weerareen Israa’iil.