Muuse Biixi oo ka qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

9

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u safray Jabuuti, si uu uga qayb gelayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah loo dhaarin doono madaxweynaha Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray wafdiga, waxayna ka qaybgeli doonaan caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle”.

Jabuuti ayaa sidan oo kale 2016 caleemo-saarkii Ismaaciil Cumar Geelle ka wada qayb gelisay madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii Somaliland Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii la soo dhaafay ee April markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas.