Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Magaalada Cadaado

12

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta safar dhulka ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Gaalgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay Dhuusamareeb ayaa waxaa Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay, Mas’uuliyiinta Maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bushada.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadin xaaladda guud ee Cadaado.

Madaxweynaha ayaa Cadaado kaga sii gudbi doona Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu malmaha soo socda joogi doono, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.